Berbera oo ka Baxsan Awoodda Muqdisho iyo Masar oo Xisaab Laga Cunay Dalbanaysa,
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowga bisha Febraayo booqasho rasmi ah oo qaadanaysa laba maalmood ku tagaya magaalada Qaahira, kaddib casuumaad uu ka helay dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Inta uu booqashada ku jiro, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Masar,
Booqashadan ayaa imanaysa xilli Masar ay si buuxda u fahamtay in ballan-qaadyo hore oo la xidhiidhay dekedda Berbera aysan lahayn sal sharci iyo mid siyaasadeed toona, maadaama Berbera aysan hoos imaanin gacanta iyo maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa si weyn u wiiqday kalsoonidii siyaasadeed ee ku dhisnayd wadahadalladii hore, isla markaana dhalisay su’aalo adag oo ku saabsan saxnaanta iyo daahfurnaanta heshiisyadii la sheegay in la galay.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in Masar ay bixisay dhaqaale la xidhiidhay qorshe lagu doonayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso dekedda Berbera, balse xaqiiqadu ay noqotay mid ka duwan filashadii Masar, maadaama Berbera ay tahay deegaan ka baxsan awoodda tooska ah ee dowladda federaalka. Tani waxay muujinaysaa farqi weyn oo u dhexeeya hadalladii siyaasadeed iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka.
Xaaladdan cusub ayaa gelinaysa booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh miisaan siyaasadeed oo aad u culus, maadaama ay Masar sugayso caddayn, isla xisaabtan, iyo jihayn cad oo ku saabsan xidhiidhka mustaqbalka, gaar ahaan marka la eego kalsoonida, iskaashiga, iyo danaha wadaagga ah ee gobolka.
Qore: Wariye Baaldahab Xaqiiqda Berbera:

Qore: Wariye Baaldahab