MASHRUUCA SOMALI ELECTRICITY SECTOR RECOVERY PROJECT (SESRP) mashruucu ku bixinayaa $15 million tayaynta wasaaradaha tamarta (Somalia iyo Somaliland ?
Mashruucan waxa maalgelinaya Baanka aduunka (World Bank) lacag dhan $150 Million wuxuuna dhamaan doonaa 2026. Mashruucan oo ujeedkiisa ugu weyn yahay in 1.1 million oo guri ay ka faa’idaystaan ayaa waxa daahfuray raysal wasaare Xamse C.Barre iyo madaxa baanka aduunka ee Somalia. Mashruucani wuxuu ka kooban yahay 4 waaxood (component) oo muhiim ah.
1) Dhismaha Sub-transmission iyo networks dab-qaybiyayaal ah iyo xoojinta waaxaha hawlgelinta ee goobaha dab-qeybiyayaasha ah ee magaalooyinka Hargeisa iyo Muqdisho waxaana ku baxaya $75 million oo dollar. 50% lacagta oo waaxdan ku baxaysaa waxay xooga saaraysaa
– Hoos udhigida kharashka hawlgelinta
-Helitaanka laydh la isku halayn karo iyo supply fiican
Casriyeynta dab-dhaliyayaasha ku shaqeeya shiidaalka ee ay isticmaalaan shirkadaha waaweyn ee laydhka siiya labbada magaalo ee Muqdisho iyo Hargeisa kuwaasoo laga dhigi doono kuwo casri ah isla markaana yareeye shidaal cabista, pollutionska badan, cimriga generatorska, cilad-bixinta iyo qorsheynta xiliyada kala bedelka laydhka. Waaxdani (component) wuxuu xooga saarayaa keenista qalabkaas iyo rakibaadooda si looga caawiyo qodobada sare shirkada laydhka.
2) Waaxda labbaad ee project waxay xooga saaraysaa casriyaynta panelska dab-dhaliyayaasha cadceeda ee shirkadahani haystaan kuwaasoo lagu kabi doono dab-kaydiyayaal(batteries) waxaana ku bixi doona $20 million. Waaxdani waxay xooga saaraysaa casriyaynta yaraynta isticmaalka shidaalka ee dab-dhaliyayaasha. Waxay iibin doonaan solar PV generation lagu kordhin doono kuwii jiray.
3) Waaxda saddexaad waxa ku baxaya $40 million waxaana la samayn doonaa Stand-alone solar off-grids loogu talagalay Goobaha waxbarasha iyo caafimaadka ee dowlada. Sida lagusoo xulayo goobaha waxbarasho iyo caafimaad ee mashruucu siinayo solars bilaasha ah oo ka kaba laydhka ay u baahan yihiin kuwaasoo ah meelaha ka fog magaalooyinka Hargeisa iyo Muqdisho waxaa soo xulaya Dawlada Federaalka iyo Wasaarada Tamarta ee Somaliland.
4) Waaxda afraad( component 4) waxa uu mashruucu ku bixinayaa $15 million tayaynta wasaaradaha tamarta (Somaliland iyo Somalia) iyo korniin aqooneed oo shaqaaluhu helaan.
Labba mashruuc oo hore ayaa ka horeeyey mashruucan kuwaasoo lagu taageeray somaliland “ SOMALIA ELECTRICITY ACCESS PROJECT oo ay Somaliland kasoo gaadhay $5.5 million iyo mashruuc hore Baanka Aduunku toos usiiyey Shirkadaha laydhka kuwaasoo ka dhistay solar panelska ay isticmaalaan. Dhamaan mashaariicdaasi waxay ku dhaceen gacmo gaar ah wax faa’ido ahna kama ay helin Shacabka Somaliland ilaa midkan socon doona lix sanno wuxuu mari doonaa waddadii kuwaasi mareen maadaama aan waxba laga bedelin wixii hore u fashiliyey mashaariicdaa.”
WQ. Maxamed Sadiiq Dhamme