Mashruucan bulaacada ee Naasahablood laga wado yaa lagala tashaday? Daraasad “environmental assessment” ah maloo sameeyey?
Haddii bilawgii daraasadaa laga sameeyay, bulshada haloosoo bandhigo. Haddii aan ilaa hadda daraasadaa la samaynin mashruuca hala joojiyo oo daraasadaa hala sameeyo.
Haddii cidda maahruuca wadaa aanay dareenka bulshada u joojinahayn, bulshadu dalab joojin ah haw qoreen madaxwaynaha dalka.
Waan hubaa inaanu madaxwaynuhu raali ka ahayn mashruuc si gaar ahaaneed fayaqabka xaafada iyo si guudba ka caasimada uga soo horjeedee.
Abdirashiid Awraali






