Mashruucan yaa Ummada la dhex yimi?

Waa maxay Ujeedada ay leeyihiin kuwan dib u damqaya boogihii la dhayay Sodon sanadood ka hor.
Wax kasta oo la soo maray, xasuuq iyo dagaallo kasta oo dhacay Somaliland way kasoo gudibtay, waxaanay haysay ugu yaraan jid wanaagsan oo ay ku muddoobeen qabaailka Somaliland wada deggen oo qolaba ay dhinac ka soo jeeday, qaar SNM taageersanaa iyo kuwo Maamulkii Maxamed Siyaad Barre taageersanaa.
Waxaan u arkaa kuwa Boodhadhkan Hargeysa imika ka dhex qotomiyay inay yihiin Fulayaal ka soo habsaamay inay qoriga qaataan markii uu xasuuqu socday, balse maanta doonaya inay fidno iyo cuqdad hor leh dhex dhigaan Ummada reer Somaliland ee ka soo kabatay dhibaato kasta oo ay soo mareen.
Taariikhaha lasoo maray waa muhiim in la xuso, balse marxaladan imika lagu jiro Somaliland uma baahna in dhiillooyinkii la soo maray dariiqyada loogu xardho si qabiillaysan.
Xukuumadu wax ha ka qabato kuwa mashruuc maalmeedyada ka fikiraya, balse aan dhaadanayn ficiladoodu lurta ay ummada ku soo kicinayaan, dibna u damqayaan booggihii ay reer Somaliland dhayeen sanado badan ka hor.
Fulayada imika mashruucan dadka la dhex yimi, waxay ahayd inay Qoriga qaataan markii loo baahnaa, balse imika reer Somaliland uma baahna booggo la dhayay oo dib loo xoqo.
May be an image of standing, outdoors and text that says 'United Nation's International Day of Commemoration Dignity the Victims of the Crime of Genocide 9- Dec 2022 Xuska Maalinta Caalamiga ah ee ay Qaramada Midoobay astaysay ka hor tagga Xasuuqa Qorshaysan ee loola Qasdiyo Gumaadka. Somaliland's Twitter spaces activists and Somaliland Society forIndependent Journalists Writers (SSJW) presents Isaaq Genocide NeverAgain B BAI แអT Hargeisa Û of Somaliland 09937'
Waxa Qoray

Kaysar Maxamed