Kooxda ka arimisa Mugdisho ee argagaxisada Alshabaab waa koox isku mid ah waana Ganacsiga ugu weyn ee uu ku shaqaysto Xasan sheekh iyo ganasatada hubka sharci darada ah ee beeshiisa
Mudo dheer ayay kooxda Xasan sheekh ku maalayeen dawlada maraykanka iyo wadamada reer galbeedka inay la dagaalamayaan argagaxiso iyada oo ay ka mid yihiin golahiisa wasiirada xubnaha ugu firfircoona yihiin sida wasiirkiisa gaashaandhiga Axmed Fiqi iyo Abu mansuur Robow iyo weliba madaxa sirdoonka Somalia.

Maraykanka iyo bulshada caalamku waxay ogaadeen in arrinta Alshabaab ay tahay mashruuc ganacsi oo ka shaqeeya magaalada mugdisho kuna hodmeen hogaamiyayaasha hawiye ee aan u danaynayn shacabka Somalia ee la Daalaa dhacaya dhibaatada culus, hadaba maraykanku waxa uu gunta soo xaadhay inaanay suura gal ahayn dawlad xamar ka dhalata.

Kooxda Villa wardhiiglay waxay kor ugu dhawaaqeen in hadii somaliland la aqoonsado argagaxisado xoogaysan doonto Warkaas oo aanay waxba ka jirin.
Aqoonsiga somaliland waxuu wax ka tarayaa xasiloonida iyo amaanka guud ee gobolka geeska Africa, waayo somaliland shacabkeeda iyo qaab dhismeedka bulshada somaliland kuma dhex dhuuman karaan kooxaha argagaxisadu iyada degaan walba cida degani aanay ogolayn cid amaan daro ka abuurta degaankooda

Mudo 34 sano ah oo somaliland jirtay suura gal ma noqon in kooxaha argagaxisadu ka hawl galaan somaliland bal somaliland waxay sugtay amniga xuduudaha wadamada deriska iyo qaar ka drugsanba
Hadii somaliland aqoonsi hesho waxay heli doontaa saaxiibo Caalami ah oo kala hawl gala sugida iyo amaanka guud ee gobolka halkay markii hore Keli ku ahayd.

Aqoonsiga somaliland waxuu wax weyn ka tari doonaa wax ka qabashada dhibaatada Somalia ka jirta ee dunidu u maaro weyday sababna u yihiin qawlaysatada ka ganacsata dhiiga shacabkooda.
Waan bogaadinayaa in dawlada maraykanku ogaatay oo aragtay Somalia tahay foosto gunta ka daloosha oo aan weligeed buuxsamayn.
Waana arrin mudan in la bogaadiyo lana hambalyeeyo samirka shacabka Somaliland ee xorta ah.

Ibrahim Duale Sulaiman Tallaabo

i64509427@gmail.com