Masuuliyiin Kormeeray Dhaamka Qool Buulale

Hargeysa(Qaran news)-Maamulka degmada Sallaxley iyo mas’uulyiin kale ayaa kormeeray dhismaha dhaamka Qool-Buulale.

Kormeerkan oo ay iska kaashanayeen, Wasaarradda Horrumarinta Biyaha, Hay’adda Actionaid iyo Maamulka degmada Sallaxley ayaa ku saabsanaa xog-xogaalimadda dhamaaka Qool-Buulale ee degmadda Sallaxley.

Gebo-gabadii dhamaan Mas’uuliyinta dawladda, Hay’adda iyo maamulka ayaa isla qaatay in la da dajiyo dhismaha dhaamka lana ilaaliyo tayadda dhismihiisa.