MASUULIYIIN TUSBAX SITA OO AAN WAXBA REEBAYNI WAY JIREEN ILAA ASXAABIHII WAA MUNAAFIQIINTA.

Masuuliyiinta waxa jira qaar tusbax sita oo shaadh diimeed xidhan oo haddana aan waxba dhaafayn oo hantidii ummadda loogu dhiibay gurtay, kuwaas ilaahay uma xil qariyo oo wuu kashifaa waa munaafaqii uu ilaahay kitaabka ku sheegay waar hooy ilaahay ka baqa oo kitaabkaad gacanta saarteen dib u xusuusta intaan laydin qaban subxaanallaah.

Ifkana way idinka muuqan ilaa ubadkiina aakhirona waa idiin ciqaab madaxweyneyaashu ISKAAN (X RAY) dadka la mariyo oo caddeeya wuxuu yahay qofka loo keenay ma haystaan oo way aaminaan qofka loo keeno, laakiin xilkaa ISKAAN ah oo lagu bartaa tuugga munaafaqu ilaa asxaabtii wuu JIRAY nebigu scws isagoo og ayaanuu la hadli jirin dabadeed ilaahay ayaa kashifi jiray maantay taagantay wasiirnimadan guclada loogu jiro iyo xilalkan lagu waashay, waa in hantida ummadda lagu boobo waxa loo ordayaa waa dhibaato s/Land haysatay oo ilaa 1991kii soo taagnayd, maanta awood ayaynu u leenahay in wax laga qabto munaafaqa ee hallagu dhiirrado oo halla kashifo.

Munaafaqa ilaahay ha kashifo ee aamiin dheha.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.