Masuuliyiinta WADDANI oo ka Qaybgalay Tartanka Cirro Cup

Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiin ka mid ah xisbiga WADDANI ayaa ka qayb galay xidhitaanka tartanka Cirro Cup ee magaalada Ballidhiig ee gobolka Togdheer ka socday. Tartankan oo uu hirgeliyay musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayay ku tartameen degmooyin waaweyn oo ka mid ah gobolka waxaanu noqday tartanka ugu xiisaha badan Cirro Cup oo ka socda gobollada iyo degmooyinka.

Kooxda ka socotay degmada Qorilugud ayaa ku guulaysatay koobka iyada oo ay ciyaarta u dambeysa wada ciyaareen kooxda ka socotay degmada Qoryaale. Tartankan ayaa u dhacay si qurux badan waxaanu is dhex gal u ahaa dhallinyarada oo ciyaar wanaag muujisay, islamarkaana degmada Ballidhiig si wanaagsan u marti gelisay.

Waxa ciyaarta shalay ka qayb galay xoghayaha ciyaaraha xisbiga WADDANI Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase oo ay weheliyaan xoghayaha waxbarashada mudane Muuse Askar, xoghayaha amniga mudane Ibraahin Ducaale Boos, xoghaye kuxigeenka xidhiidhka gobollada iyo degmooyinka Maxamuud Xasan Doob, Xoghaye ku xigeenka garabka dhalinyarada heer qaran mudane Yaasiin Xiis, afhayeenka gobolka Togdheer mudane Cabdiweli Sunbul iyo masuuliyiin kale.