Masuuliyiinta WADDANI ee ka soo Jeeda Gobolka Awdal oo Kulan ka yeeshay
Xaaladda gobolka Awdal
Hargeysa(Qaran news)-Madaxda xisbiga WADDANI ee kala ah Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Md Abiibakar Cabdiraxmaan Good, Afhayeenka Xisbiga Md Maxamed Faarax Cabdi iyo guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran xisbiga Md Cabdirashiid Cabdi Jaamac oo ay weheliyaan madaxda heer gobol, Guddoomiyaha gobolka Awdal ee xisbiga Md Rooble Muuse Xoosh, guddoomiyaha garabka dhalinyarada gobolka Awdal Md Fadxudiin Maxamed Cabdi, Xoghayaha abaabulka iyo Wacyigelinta gobolka Awdal Md Cabdiqani Sh Maxamed Sh Cumar ayaa dhalinyarada magaalada Boorama kulan balaadhan oo kala warqaadasho ah la yeeshay.
Kulanka oo daba socday kulamo ay masuuliyiinta xisbiga ee heer qaran iyo heer gobol kula qaadanayeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan gobolka Awdal.