
Xildhibaan Cismaan Dube oo ka tirsan xildhibaanada Somalia ee lagu ilaaliyo magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in murankii E-Visa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia laga heshiiyay.
Xildhibaan Cismaan Dube oo arinkaasi faah faahinaayana waxa uu yidhi waxii dhaqaale ah ee ka soo baxa E-Visa waxa Somaliland la siiyay Boqolkiiba Afartan xaga ay Somalia ay qaadatay Boqolkiiba Lixdan, waxana uu xildhibaanku sheegay in uu Xasan Sheekh arinkaasi ka yaabay oo uu isku canaantay arinkaasi oo lagu xaday.
Waxa kale oo uu sheegay in dhaqaalahii hawada ka soo gali jiray Somalia uu hoos u dhacay isaga oo soo xiganaaya Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya taasi oo ay xaqiijiyeen in ay ka dakhli badnaayeen intii aanu muranka hawadu dhicin.
Hadaba xidhiidh aanu la samaynay xukuumadda Somaliland ayaa gabi ahaanba beenisay warkaasi oo ku sheegtay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Somaliland ayaa hawadeeda ka mamnuucday shirkadahii duulimaadyada ee isticmaali jiray hawadeeda halkaasi oo Dawladda Muqdisho ay ka heli jirtay lacag aad u badan taasi oo hada istaagtay.






