Sida lagu baahiyay baraha bulshada waxa ay dadweynaha reer Somaliland soo dhaweeeyeen wararka sheegaaya in xukuumadda Somaliland ay taageerayso jabhad hubaysan oo lid ku ah xukuumadda Somalia ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Taliyihii hore ee sirdoonka Somalia mr Sanbalooshe ayaa warbaahinta u sheegay in ay Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay kula kulmeen dalka Imaaraadka isla markaasina ay isku raaceen in Somaliland ay taageerto beesha Xawaadle ee uunka soo jeedo si halkaasi looga hirgaliyo nabad iyo in ay dadku iska xoreeyaan xukuumadda wakhtgeedu uu dhamaaday.
Xasan Sheekh iyo wasiirkiisa gashaandhiga ayaa amni daro ka abuura deegaanonka mid ah Somaliland taasi oo la odhan karo tani taasi ayau jawaab u tahay.
Hase ahaatee ma jiraan wax faah faahin ah oo ka soo baxay xaga Somaliland oo ku saabsan in ay Somaliland ka jawaabayso ficiladda Xasan Sheekh iyo Fiqi ee ahnin ay jabhado ka abuutayaan gudaha Somaliland taasi oo ay in badan Somaliland indhaha ka xidhatay
Dhanka kale waxa jira xidhiidh aan soo shaac bixin oo u dhaxeeya maamul goboleedka koonfur Galbeed ee Somalia iyo xukuumadda Somaliland kaasi oo lagu wado in maamul goboleedka koonfur galbeed uu aqoonsan doono Jamhuuriyadda Somaliland, hore ayaa Somaliland xidhiidh gancasi iyo mid amni ah ay ula gashay maamul goboleedka Puntland ee Somalia





