Imaaraatka Carabta ayaa qorsheynayay in doorkooda martigelinta shirka cimilada ee Qaramada Midoobay ay u noqoto fursad ay dalalka ka soo qeyb galaya shirka ula galaan heshiisyada saliidda iyo gaaska, BBC ayaa sidaas ogaatay.
Dukumiintiyo sir ah oo si qarsoodi ah loo soo bandhigay ayaa muujinaya qorshayaal lagaga hadlayo heshiisyo shidaal oo lala galayo 15 dal.
Hay’adda Qaramada Midoobay ee mas’uulka ka ah shirka Cimilada COP28 ayaa BBC u sheegtay inay tahay dadka martida loo yahay laga filayo inaysan sameyn eexasho ama dano gaar ah ka dhex arkin shirka.
Kooxda Imaaraadku ma aysan dafirin in shirarka COP28 loo isticmaalo wadahadallo ganacsi, waxayna yiraahdeen “kulamada gaarka ah waa kuwo gaas ah”
Waxay diiday inay ka hadasho waxa looga hadlay shirararka gaarka waxayna sheegtay in shaqadeeda ay tahay inay diiradda saarayso “ficilo wax ku ool ah oo la xiriira cimilada”.
Dukumeentiyada – oo ay ka heleen saxafiyiin madax-banaan oo ka tirsan Xarunta Warbixinta Cimilada ee ka barbar shaqeysa BBC – waxaa dukumiintiyada diyaariyay kooxda Imaaraatka Carabta ee COP28 si ay ula kulmaan ugu yaraan 27 dowladood oo ajnabi ah ka hor shirka COP28, oo bilaabmaya 30 November.
Waxaa ka mid ahaa heshiisyada ee la soo jeediyay, in Shiinaha iyo shirkadda Adnoc, oo ah shirkadda saliida ee Imaaraadka Carabta, ay “rabaan inay si wadajir ah u qiimeeyaan fursadaha caalamiga ah ee LNG [gaaska dabiiciga ah]” ee dalalka Mozambique, Canada iyo Australia.
Dukumeentiyadu waxay sidoo kale soo jeedinayaan in wasiir Colombian loo sheegay in shirkadda Adnoc “ay diyaar u tahay” inay Colombia taageerto si ay u horumariso kheyraadkeeda shidaalka.
Waxaa jira qodobbo laga hadlayo 13 dal oo kale, oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Masar, kuwaas oo soo jeedinaya in loo sheego in shirkadda Adnoc ay doonayo inay la shaqeeyso dawladooda si loo horumariyo mashaariicda shidaalka.
uusan dhicin waxaana ka mid ahaa UK.
Isku dayga in la sameeyo heshiisyo ganacsi inta lagu guda jiro shirka COP waxayna u muuqataa jebinta heerarka anshaxa ee laga filayo madaxweynaha COP.
Heerarkaas waxaa dejiya hay’adda Qaramada Midoobay ee mas’uulka ka ah wada-xaajoodka cimilada, Heshiiska Qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (UNFCCC).
UNFCCC waxay leedahay “mabda’a asaasiga ah” ee madaxweynayaasha COP iyo kooxahoodu waxaa “waajib ku ah dhexdhexaadnimada”.
Waxay BBC-da u sheegtay in madaxweynayaasha COP laga filayo “inay ku dhaqmaan eex la’aan, iska ilaaliyaan dano gaar ah, oo ay si adagna anshaha ayna sameeyaan madax banaani iyo garsoor cadaalad ah”.
“Waxa kale oo laga filayaa inay xaqiijiyaan in aragtida shakhsi ahaaneed iyo xukunnada aanay waxba u dhimayn ama u muuqan inay wax u dhimayaan doorkooda iyo hawlahooda hay’adda UNFCCC,” ayay sii raacisay.
Manuel Pulgar-Vidal, madaxii shirkii COP20 ee Peru ee 2014, wuxuu ka walaacsan yahay burburka kalsoonida ku yimaaday shirka taas oo uu sheegay inay la macno tahay inaan horumar laga gaarin wax ka qabashada isbedelka cimilada ee Dubai.
“Madaxwaynaha COP waa hogaamiyaha aduunka, waa inuu isku dayayaa inuu dhiso is afgarad isagoo matalaya adduunka,” ayuu u sheegay BBC.
“Haddii madaxweyne kasta oo COP ah uu isku dayo inuu shirka la yimaado dano gaar ah, [oo ay ku jiraan] dano ganacsi, taasi waxay la macno noqon kartaa fashilka COP.”