
Madxaweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa guddoomay warqad loo soo diray xaaskiisa Melania Trump oo ka socotay marwada koowaad ee dalka Ukrayn.
Bartiisa Truth Social ayuu habeenkii Isniinta ku qoray in madaxda Yurub uu la soo qaaday sbaadigoobka carruurta lagu waayay Ukrayn. “Tani waxay muhiim u tahay xaaskeyga, Melania,” ayuu yidhi Trump isaga oo hadalkiisa raaciyay in Marwada madaxweynahu ay dhawaan ka qaybgashay wadahadallo nabadeed waxayna warqad gaar ah u qortay Vladimir Putin oo ay kaga codsatay in uu ilaaliyo carruurta.
Ukraine ayaa horey u shaacisay in kumannaan caruurteeda ah ay qafaasheen ciidamada Ruushka
Bbcsomali






