Maamul Goboleedka Puntland ayaa sii daayey liis ay ku jiraan magacyada, sawirrada iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan in ka badan kontomeeyo dagaalyahanno ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu qabtay buuraha Calmis-kaad.

Ragga la soo bandhigay oo sawirradooda lagu hoos dhajiyay calamada dalalka ay ka ay u dhasheen ayaa muujiyey inay ka soo jeedaan dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin, Itoobiya, Kenya, Tansaaniya, Masar, Morocco, Yemen, Suuirya, Sacuudiga iyo Turkiga.

”Meel kasta oo ay ka kala yimaadeen, ama ha dhawaato ama ha fogaatee, waa niman isku mabda’ ah”ayuu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Buuraha Calmis-kaaad waxaa uu muddo sanad ka badan dagaal ku dhexmarayaa ciimada Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ka hor dagaalka halkaas ku lahayd fariisimo waaweyn.

”Waxay muujinaysaa guulaha ciidamadu ka gaareen kooxda iyo in lagu jabiyey kooxda Daacish,” ayuu intaas raaciyey.

Liiska ajaaniibta ee la sii daayey ayuu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland inay xilligan u soo bandhigeen saddex sababood owgood

”Sababaha loo soo bandhigay waa badan yihiin, haddaan ka soo qaado, in dadka Puntland iyo kuwa Soomaliyeedba ogaadana guulihii dagaalka laga gaaray, cadowgii la laayey iyo kuwii nolosha lagu qabtayba, waa muhiin in dalalkii ay ka yimaadeen ay ogaadaan in dadkoodii halkan dhibaato ka geysteen haddana rabaan inay dhibaato kale abuuran, waa muhiim maaddaama isbaddelka juquraafi ahaaneed ee Geeska Afrika ku dhacay haddeer wixii ka jiray halkan in caalamka kale ogaadaan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey in kuwa hadda la soo bandhigay u badan yihiin kuwa la qabtay iyagoo dagaallamaya, balse kuwo isa soo dhiibayna ku jiraan.

 

Maxaa laga yeelayaa raggan la soo bandhigay?

wuxuu joogitaankeedu ku badan yahay qeybo ka mid ah Afrika.

Laanta Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii 2015 aasaasay koox ka goosatay al-Shabaabta gacan-saarka la leh al-Qaacida – kuwaasoo ah kooxda jihaad-doonka ugu weyn ee Soomaaliya ka jirta.

Daacishta Soomaaliya ku sugan waa kuwo aad u daran oo bulshada dhac u geysata inta badanna fulisa weerarro yar oo aan joogto ahayn, sida laga soo xigtay Xafiiska Mareykanka ee Agaasimaha Sirdoonka Qaranka.

Ciidamada Mareykanka ayaa dilay hoggaamiyihii IS, Bilal al-Sudani, iyo 10 kale iyagoo ku jiray god buuralley ah oo waqooyiga Soomaaliya ah sanadkii 2023, kadib howlgal uu amray madaxweynihii xilka ka degay ee Mareykanka Joe Biden.

Source bbcsomali