Dabley hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday hoolka bandhig faneedka oo ku yaalla magaalada Moscow, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan lixdan qof in ka badan boqol qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Ruushka.

Ugu yaraan afar weeraryahan oo ku labisan qalabka wajiga lagu duubto ayaa ka qayb qaatay weerarka, oo ka dhacay xaafadda waqooyi-galbeed ee Krasnogorsk, sida ay BBC-du xaqiijisay muuqaallada ay heshay

Masraxa hoolka Crocus ee magaalada waxaa ka socotay riwaayad markii dableyda ay gudaha u galeen hoolka.

Inta badan dhismaha ayaa waxaa qabsaday dab, waxaana soo dumay qeyb ka mid ah dhismaha.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay inay ka mid yihiin caruur, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa cambaareysay weerarka kuna tilmaamtay “weerar argagixiso”.

Sida lagu sheegay war aan la xaqiijin, kooxda Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarka.

Haddii ay dhab noqoto, waxa ay noqonaysaa tii ugu dambaysay ee tiro weerarro ah oo Islaamiyiin ah oo ka dhacay ama ka dhan ah Ruushka sannadihii u dambeeyay.

Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka ayaa lagu qarxiyay saxaraha Siinay ee dalka Masar sanadkii 2015-kii iyadoo ay saarnaayeen 224 qof oo u badnaa muwaadiniin Ruush ah.

Weerarkaas waxaa sheegtay dowladda Islaamiga ah oo markii dambe daabacday sawirka walxaha qarxa

Saraakiil Maraykan ah ayaa u sheegay CBS oo ah laanta wada shaqaynla leh BBC-da ee Mareykanka in ay heleen xog sirdoon oo muujineysa in IS ay dooneyso in ay weerarto Ruushka.

Ciidamada Ilaalada Qaranka ee Ruushka ayaa sheegay in ay goobta ku sugnaayeen cutubyo gaar ah oo ka shaqaynayay sidii ay u ugaarsan lahaayeen raggii weerarka geystay. Saraakiisha sare ee Ruushka ayaa sidoo kale u ambabaxay Krasnogorsk.

In ka badan lix kun oo Raashiyan ah ayaa ku sugnaa xarunta hoolkaee Crocus City Hall halkaas oo bandhiga faneed ay ku qabanayeen kooxda Picnic

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in rabshaduhu ay qarxeen daqiiqado ka hor inta aan kooxda fanka soo gelin masraxa. Xubnihii kooxda picnic laftooda waxba ma gaarin.

Askari ka mid ahaa ilaalada ayaa sheegay in kooxda weeraraka soo qaaday ay aad u hubaysnaayeen kuwaas oo gudaha u galay qaybta koowaad ee dhismaha ka dibna ay bilaabeen rasaas xoogan.

Maraykanka oo ka hadlay weerarka Moscow

Lataliyaha Isgaadhsiinta Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa sheegay in sawirada toogashada ay ahaayeen kuwo laga naxo oo ay adag tahay in la daawado.

“Sida iska cad fikradayadu waxay la jiri doonaan dhibanayaasha weerarkan xun ee toogashada ah,” ayuu yiri Kirby

Maraykanku waxay sdioo kale sheegeen inay mas’uuliyiinta Ruushka uga digeen horaantii bishii Maarso weerar ay suurtagal tahay in lagu bartilmaameedsado “kulamo waaweyn” oo ka dhacaya Moscow.

“Horraantii bishan, dawladda Maraykanku waxay haysay xog ku saabsan weerar argagixiso oo la qorsheeyay oo ka dhaci kara Moscow kaas oo laga yaabo in lala beegsado isu imaatinno waaweyn, oo ay ku jiraan riwaayado,” ayay tidhi afhayeenka golaha ammaanka qaranka Maraykanka Adrienne Watson.

Washington “waxay xogtan la wadaagtay mas’uuliyiinta Ruushka”, ayay intaas raacisay.

Gordon Corera, oo ah weriyaha amniga ee BBC-da, ayaa mar sii horreysay sheegay in Kremlin-ka ay digniinahaas u aragtay “dacaayad” xitaa ka dib markii Mareykanku uu si cad u soo bandhigay walaaciisa dadka Mareykanka ah ee sii jooga Ruushka.

Falcelinta weerarka ee dalalka caalamka
WEERARKA RUUSHKA XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Dalal badan oo caalamka ayaa durba cambaareeyey weerarka dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay caasimadda Ruushke ee Moscow.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa qoraal la soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twiter ku sheegtay.

“Sawirada laga soo qaaday Moscow caawa waa kuwo argagax leh” Fikirkeenu wuxuu la jiraa dhibbanayaasha iyo kuwa dhaawacmay iyo sidoo kale dadka Ruushka.” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arrimaha dibadda ee Faransiska.

Sidaas oo kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa weerarka ku tilmaantay “mid argagax leh” waxayna soo jeedisay “Asal ahaan waa in si degdeg ah loo baaro. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska dhibanayaasha.”ayey lagu yiri bayaanka Jarmalka

Ukraine oo ay dagaal kala dhaxeeyo Ruushka ayaa horaanba iska fogaysay inay wax luga ku leedahay weerarkaasi sida uu sheegay Mykhailo Podolyak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky,

“Ukraine waligeed ma isticmaalin hababka argagixisada, wax kasta oo dagaalkan waxaa lagu go’aamin doonaa oo kaliya goobta dagaalka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oron jiray Twiter “.