Maxaabiista Somaliland ee ciidan beeleedku ku haystaan magaaladda Laascaanood ayay la soo gudboonaatay cunto yaraan iyo macaluul kadib markii ay maleeshiyaadka haystaa ay u awoodi kariwaayeen in ay quudiyaan maxaabiista.
Iyada oo ay xiligani cunto yaraani ka taagantahay bariga gobolka Sool ayaa ciidan beelleedka haysta maxaabiista ciidanka Somaliland ay u awoodi layihiin in ay sadexda wakhti quudiyaan maxaabiista.
Waxana jirta in qoysaska maxaabiista Somaliland laga hayaa ay ciidamada ay u diraan lacag ay haystayaashu sheegeen in lagu quudinaayo wiilashooda loogu diro habka Zaadka tiraba wiigii sadex jeer.
Dhanka kalana maxaabiista laga hayo iyaga ayaa si sharaf leh loogu hayaa Somaliland iyaga oo si bilaash ah oo sharaf lehba u hela quudintooda sadexda wakhti isla markaana ay soo booqan karaan eheladoodu iyada oo aan lagu xidhin wax shuruud ah.