
Maxaabìstii Puntland ee maanta ay Somaliland sii daysay ayaa markii ay Garowe ka gaadheen ayaa si balaadhan halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Maxaabiista oo ka hadlay dareenkooda ayaa u mahad naqay xukuumadda iyo shicibka Somaliland iyaga oo ka sheekeeyay sidii gobanimada ahayd ee loola dhaqmay xiligii ay ku xidhnaayeen Somaliland iyaga oo sheegay in ay u gacan galeen dad gob ah oo si fiican oo walaalnimo ah noola dhaqmaayay intii aanu xagaasi joognay ee ay na hayeen.






