Ceelka wuxuu ku yaalla Gobolka Togdheer

Maxaad ka taqaan shirkadda shidaalka ka soo saaraysa Somaliland?

Somaliland waxay heshiiska qodidda ceelkaas la saxiixatay, una xil saaran inay shidaalka ka soo saarto ceelka shirkadda Genel Energy oo ka shaqaysata tamarta.

Genel Energy waa shirkad gaar loo leeyahay oo baarta shidaalka iyo gaaska, kana dhaxaysa saamiley. Saamiyada ugu badan waxaa leh Bilgin Grup Dogal Gaz A.S o oleh 22%, saamiyada labaad iyo kuwa seddexaad ee ugu bandanna waxaa leh Hassan Gozal iyo Daax Corporation FZE oo kiiba uu leeyahay 17%, halka saamiyada dadweynaha marka la isku darana ay noqonayaan 10%.

Ceelka wuxuu dekedda Berbera u jiraa 150

Ceelka Shidaalka ee aagga Oodweyne

Bishii Agoosto 2012 ayaa ayaa lagu abaal mariyey inay baaritaan ku samayso xirmooyinka SL-10-B iyo SL-13. Bishii November ee isla sannadkaas ayey billowday in ay timaado dalka ayadoo muujisay inay danaynaysay inay qayb ka noqoto heshiiskii wadaagga wax soo-saarka Oodweyne kaasoo daboolaya SL-6, SL-7, iyo SL-10A.

Baaxadda xirmadaas ayey Genel Energy ku qiyaastay bedka dhulka uu ku fadhiyo gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, waxayna sannadkii 2021 bishii Diseembar heshiis kula sii gashay OPIC Somaliland Corporation (OCS) qaybta SL10B13 ee xirmada ka midka ah. Ceelkaas wuxuu ku yaalla gobolka Togdheer.

Diyaargarow ayaa iminka soconaya kaasoo la doonayo in lagu qodo ceel ka mid ah xirmadaas SL10B13, wuxuuna ceelku Dekedda Berbera u jiraa ilaa 150 KM.

Shirkadda waxay in badan ka soo shaqaysay Kurdistan

Meelaha ay hore uga soo shaqaysay shirkadda

Hore waxay shirkadda Genel Energy shidaal uga soo saartay ceelka Taq Taq ee ku yaalla meel 60 KM waqoyiga bari ka xigta magaalada Kirkuk, 85 KM-na koofur bari ka xigta magaalada Erbil, 120 KM-na waqooyi galbeed ka xigta magaalada Sulaymania. Bedka uu dhulka ceelkaas ku fadhiyo ayaa ah 951 KM oo isku wareeg ah. Wuxuu ceelkaas soo saarayey shidaal tan iyo 2008.

Waxay kaloo shirkadda Genel Energy qodday ceelka Tawke ee dalka Ciraaq, kaasoo 18 bilood oo hakad ah ka dib qoditaankiisa la sii ambaqaaday rubucii 3aad ee sannadkii 2021.

Ceelasha kale ee ay shirkaddan qodday waxaa ka mid ah ceel ka mid ah xirmada shidaalka ee Sarta, kuna yaalla gobolka Kurdisatan ee dalaka Ciraaq. Ceelkaas waxaa ka shaqyanaysay shirkadda Chevron, hase yeeshee wuxuu heshiis dhex maray labada shirkadood Janaayo 2019, ayadoo Nofembar 2020 la bilaabay wax soo saarka xirmadaas.

Gobolka Kurdistan waxay Genel Energy ka shaqaynaysay muddo 20 sano ku dhow, waxayna iminka hawlo shidaal qodis ah ka waddaa Morocco

 Somaliland waxay ku dhawaaqday in la qodaayo ceelkii ugu horreeyey ee shidaal ee laga helay Somaliland.

Somaliland waxay heshiiska qodidda ceelkaas la saxiixatay, una xil saaran inay shidaalka ka soo saarto ceelka shirkadda Genel Energy oo ka shaqaysata tamarta.

Genel Energy waa shirkad gaar loo leeyahay oo baarta shidaalka iyo gaaska, kana dhaxaysa saamiley. Saamiyada ugu badan waxaa leh Bilgin Grup Dogal Gaz A.S o oleh 22%, saamiyada labaad iyo kuwa seddexaad ee ugu bandanna waxaa leh Hassan Gozal iyo Daax Corporation FZE oo kiiba uu leeyahay 17%, halka saamiyada dadweynaha marka la isku darana ay noqonayaan 10%.

Ceelka Shidaalka ee aagga Oodweyne

Bishii Agoosto 2012 ayaa ayaa lagu abaal mariyey inay baaritaan ku samayso xirmooyinka SL-10-B iyo SL-13. Bishii November ee isla sannadkaas ayey billowday in ay timaado dalka ayadoo muujisay inay danaynaysay inay qayb ka noqoto heshiiskii wadaagga wax soo-saarka Oodweyne kaasoo daboolaya SL-6, SL-7, iyo SL-10A.

Baaxadda xirmadaas ayey Genel Energy ku qiyaastay bedka dhulka uu ku fadhiyo gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, waxayna sannadkii 2021 bishii Diseembar heshiis kula sii gashay OPIC Somaliland Corporation (OCS) qaybta SL10B13 ee xidhmada ka midka ah. Ceelkaas wuxuu ku yaalla gobolka Togdheer.

Diyaargarow ayaa iminka soconaya kaasoo la doonayo in lagu qodo ceel ka mid ah xidhmadaas SL10B13, wuxuuna ceelku Dekedda Berbera u jiraa ilaa 150 KM.