Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.

Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.

Faa’iidooyinka laga helo calooleyda

Calooleyda waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeenna, marka la cuno calooleyda waxaa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeenna, sida ay ku warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faallooda arrimaha caafimaadka.

Waxay ka hortagaa dhiig yarida

Calooleyda waxaa si aad ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka la daala dhacaya dhiig yarida ee socon karin.

Waxay caawisaa dhismaha lafaha iyo murqaha

Calooleyda waxaa laga helaa borotiin, borotiinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaan murqaha iyo lafaha.

Calooleyda waxaa laga helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaanno amni acids ee uu u baahan yahay jirkeenna si uu u shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka faalloota arrimaha caafimaadka.

Waxaa ka buuxaa macdan iyo fitamiinno

Calooleyda waxaa ku jiraa maaddooyinka ay ka mid yihiin, Zinc, Selenium iyo calcium.

Macdanta Zinc waxay dadka ka caawisaa unugyada, shaqooyinka uu qabto difaaca jirka iyo in jirka uu shiido cuntooyinka laga helo carbohydrate.

Macdanta Selenium waxay qofka ka caawisaa hagaajinta hiddesidaha, caafimaadka qumanka.

Miisaan dhimista

Qaadashada cuntooyinka ay ku badan yihiin borotiinka waxay qofka ka caawiyaan maamulka cunto qaadashada iyo miisaan dhimista.

Calooleyda waxaa ku yar maaddada Calories marka loo barbardhigo cuntooyinka kale, qaadashada cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinka waxay qofka ka caawiyaan in uu dhimo miisaanka isla markaana waxaa hoos u dhacaya heerka cunta qaadashada, sida uu ku warramayo website-ka Healthline.com

Halista calooleyda

Calooleyda waxaa ku badan kolestaroolka marka loo barbardhigo hilibka kale, dadka qaar ee qaba kolestaroolka ayaa laga yaaba inay siyaabo kala duwan ay u saameyso.