Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Sheegay in Soomaaliya Maamulka Hawada kala Wareegtay Xukuumadda Muuse Biixi
Hargeysa(Qaran news)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in maamulka hawada ee Somaliland ay xoog kula wareegtay Soomaaliya intii Xukuumadda Muuse Biixi joogtay.
Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u warramayey Telefishanka MMTV, wuxuu sheegay in xiligii xukuumaddii Siilaanyo uu isagu ahaa masuulkii metalayey Soamaliland ee saxeexay heshiiskii ahaa in la wadaago maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo laba taawar la dhigayo Hargeysa iyo Mudqdisho.
Waxa kaloo intaas uu ku daray in Soomaaliya ka cago jiiday fulinta heshiiska wadaaga ah. Hase ahaatee muddadii Madaxweyne Siilaanyo joogay aan lala wareegin.
Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu tilmaamay markii Soomaaliya madaxweyne uu ka noqday Farmaajo inuu ka noqday heshiisyadii hore oo uu la wareegay hawadii Somaliland. Waxaanu xusay inay arrintaas ka gacan siisay Hay’adda ICAO oo maamulka hawada gacanta ku hayn jirtay.