Maxamed Xaashi Cilmi oo ku Geeriyooday Sucuudiga
Hargeysa(Qaran news)- Alle ha u naxariistee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee dalka.
Marxuum Maxaned Xaashi wuxuu ku geeriyooday Sucuudiga oo xaalad caafimaad loo geeyay.
Marxuumku wuxuu dalka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ahaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsiga.
Sidoo kalena wuxuu noqday Maayarka caasimada, waxaanu ahaa siyaasi hal adag oo ku adag qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.
Marxuum Maxamed Xaashi wuxuu shirkii berlaha Somaliland ee hHargeysa lagu qabtay 1997kii u tartamay madaxweynenimada Somaliland, wuxuuna ka mid ahaa labadii murrashax ee la tartamay Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.
ALLe ha u naxariistee waxa marxuum Maxamed Xaashi Cilmi ka mid ahaa aasaaseyaashii ururkii SNM.