Maxay kooxaha xagjirka ah u jecel yihiin gawaaridda shirkaddan?
Isbeddelka dhanka awoodda ee ka dhacay Afgaanistaan ​​ma ahayn oo keliya marka laga eego qasriga madaxtooyada ama wasaaraddaha, laakiin sidoo kale waxaa isbadal ku dhacay noocyada kala duwan ee baabuurta lagu arko waddooyinka ka dib markii maamulka cusub uu yimid.

Isbedelka dhanka awooda ee Afghanistan ayaa saameyn ku yeesha gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada dalkaasi oo isna isbadalay.

Waagii hore intii ay dalka Afgaanistaan ​​ku sugnaayeen ciidamadii Midowga Soofiyeeti iyo Maraykanku iyo nidaamkii dalka ka jiray, waxa ay ciidamada Afgaanistaan ​​adeegsan jireen gawaari ay leeyihiin shirkado badan, kuwaas oo noocyo kala duwan leh.

Hadda, xukuumadda ku meel gaarka ah ee Taliban ee Afgaanistaan ​​ayaa doonaysa inay adeegsato noocyada kale ee baabuurta halkii ay isticmaali lahayd baabuurta Ranger ee shirkadda Maraykanka.

Xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa la xiriirtay shirkadda caanka ah ee Toyota Motors ee laga leeyahay dalka Japan si ay u iibsadaan baabuur cusub. Shirkadda Toyota ee gudaha Afgaanistaan ​​waa ‘Habib Gulzar Motors’.

Bbcsomali