Saraakiisha Israel ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay qorsheynayso inay u jarto warqad lagu soo xirayo hoggaamiyeyaashooda militariga iyo kuwa siyaasada ee lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ka mid yahay.

Maxkamada ICC oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sadexdii sano ee la soo dhaafay baaritaan ku waday falalka ay Israel ka waday dhulka ay heysto iyo waliba sidoo kale falkii ay Xamaas gaysteen.

Waxay awood u leedahay maxakamadda inay dacwad ku soo oogto oo ay xukunto shaqsiyaadka dambiyada culus gaystay sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Waxay hore u soo saartay amarro lagu soo xirayo hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Vladimir Putin, Liibiya Mucamar Al Qadaafi, iyo dagaal-oogaha reer Uganda Joseph Kony.

Mr Netanyahu ayaa ku eedeeyay maxkamada ICC inay isku dayeyso inay curyaamiso awooda Israel ay isku difaacdo.

Hadalkiisa ayaa muujinaya in arrintan ay madaxda Israa’iil ay si hoose uga wadahadleen.

Inkastoo ICC aysan xaqiijin sheegashada Israa’iil, haddana markii dacwad oogaha guud Karim Khan uu booqday Israa’iil iyo Daanta Galbeed bishii December ee la soo dhaafay farriintiisu waxay ahayd mid cad.

Qareen u dhashay Britain ayaa booqday goobaha ay Xamaas weerartay ee tuulooyinka Israa’iil ee u dhow xayndaabka Qaza, halkaasoo dagaalyahannada Xamaas ay weerareen 7-dii Oktoobar.

Waxa uu sidoo kale la kulmay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, wuxuuna u safray Ramallah si uu ula hadlo qoysaska dhibanayaasha Falastiiniyiinta wixii ay kala kulmeen Gaza iyo Daanta Galbeed. Waxaa uu cambaareeyay rabshadaha ay geysteen dadka rayidka ah ee labada dhinac, wuxuuna ballan qaaday in uu baaritaan ku sameyn doono.

.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu yiri hadal uu soo saaray xilligaas. “Haddii aadan samayn, ha caban marka xafiiskaygu uu shaqadiisa qabsado.”

Mr. Khan ayaa sheegay in weeraradii 7-dii Octobar, oo rag hubaysan oo Xamaas ka tirsan ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof oo u badnaa dad rayid ah, ayna ku qafaasheen 253 qof, sida laga soo xigtay warbixinnada Israa’iil, ay ka dhigan yihiin “Qaar ka mid ah dambiyada caalamiga ah ee ugu waaweyn.

Arrinka Israa’iil, welwelkiisu wuxuu ahaa laba arrimood. Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay waajib ku tahay in uu howlgalkooda milatari ee Gaza ay u fuliyaan si waafaqsan “sharciga lagu maamulo iskahorimaadyada hubeysan”.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul darreysatay in ay si ku filan u difaacdo dadka rayidka ah muddada bilaha ah ee ay ku jirtay ololaha duqeymaha, inkastoo ay ku adkeysaneyso in ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga fogaado khasaaraha.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in in ka badan 34,500 oo qof lagu dilay halkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday, kuwaas oo u badan carruur.

Burbur

Israa’iil xubin kama aha ICC waxayna sheegtay in maxkamaddu aysan awood u lahayn. Laakiin maxkamada ayaa xukuntay in tan iyo 2015 ay awood u leedahay Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Gaza ka dib markii Falastiiniyiintu ay u ansixiyeen heshiiskii aasaaska ee Rome Treaty.

Israa’iil waxay walaac ka qabtaa in haddii la soo saaro warqad lagu soo xirayo hogaamiyayaasheeda ay la kulanto takoor iyo cambaareyn.

Bishii Janaayo, maxkamaddu ICC waxay soo saartay go’aan ku meel gaar ah oo ku amaraya Israa’iil inay qaado tillaabooyin looga hortagayo xasuuqa Gaza, laakiin waxay ka gaabsatay inay u sheegto inay soo afjarto weerarka millatari.

Michael Oren ayaa ahaa danjiraha Israa’iil ee Maraykanka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2013. Waxa uu tilmaamayaa kiis ay Koonfur Afrika dhawaan u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), taasoo ku eedaysay Israa’iil inay xasuuq u geysatay shacabka reer Falastiin ee Gaza, eedaymo adag.

Dhammaan eedeymahan Israa’iil way beenisay

bbcsomali