Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay ansixisay hindisaha Masar ee xabbad joojinta Qasa.

Bayaan ay soo saartay dhaq-dhaqaqa Xamaas ayaa lagu sheegay in madaxa xafiiska siyaasadda ee kooxda Ismaaciil Haniyeh uu khadka taleefoonka kula xiriiray Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani iyo wasiirka sirdoonka Masar Cabbaas Kamel oo uu ku wargeliyay in ay oggolaadeen soo jeedintoodii ku saabsan heshiiska xabbad joojinta.

Maxay tahay soo jeedinta Masar iyo Qatar ee Xamaas ogolaatay?

Xamaas

Sida lagasoo xigtay mas’uuliyiinta Xamaas, soo jeedinta ayaa ka kooban saddex marxaladood, marxalad kastana ay tahay 42 maalmood.

Wajiga koowaad waxaa ka mid ah: Xabad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo meelaha dadku ku badan yahay, in la joojiyo diyaaradaha sahanka muddo cayiman, lagana baxo meelaha qaar.

Marxaladda labaad waxaa ka mid ah in si joogto ah loogu dhawaaqo degenaansho gudaha Marinka Qasa ah, iyo in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Marinka Qasa.

Marxaladda saddexaad waxaa ka mid ah in si buuxda dib loogu soo celiyo barakacayaasha deegaannadooda kala duwan iyada oo aan la xaddidin ama shuruudo lagu xirin, waxaana tan ka mid ah xorriyadda dhaqdhaqaaqa dadka deggan Marinka Qasa.

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo la siinayo gargaar, cunto, iyo in la sameeyo guryo ku meel gaar ah oo loogu talagalay dadka deegaanka ee guryahoodii waayay. Waxaa jiri doona dadaal weyn oo ay geysanayaan dhinaca Masar, Qatar, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay si ay u dejiyaan qorshayaasha dib-u-dhiska dhamaystiran ee Marinka Qasa ee wajiga saddexaad.

Khaliil Al-Hayya, oo ah ku xigeenka madaxa dhaq-dhaqaaqa Xamaas ee Qasa, ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Aljazeera Isniintii ku sheegay in Xarakadu ay Masar iyo Qatar, ku wareejisay ansixinta hindisaha la xiriira la haystayaasha. iyo feyl-isweydaarsiga maxaabiista, wejiga koowaad wuxuu markhaati ka noqon doonaa wada-xaajood aan toos ahayn oo ku saabsan furaha is-dhaafsiga maxaabiista iyada oo loo marayo dhexdhexaadinta Qatar iyo Masar.

Al-Xayaa waxa uu xaqiijiyey in Askari kasta oo ka tirsan Ciidanka Israa’iil lagu beddeli doono 50 Hablood oo Falastiiniyiin ah oo 30 ka mid ah ay yihiin Maxaabiis dumar ah oo lagu xukumay Xabsi daa’in, halka 20 ka mid ah ay yihiin Maxaabiista ugu da’da weyn Hablaha Falastiiniyiinta ah.

Hogaamiyaha Falastiin ee dhaq-dhaqaaqa Xamaas ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dammaanadaha ay kooxdu heshay si loo fuliyo qodobada soo jeedintan ay yihiin dammaanad ay bixiyeen madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, iyo dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar sidoo kale.

Faahfaahinta wacitaanka Biden iyo Netanyahu

Israa’iil ayaa kordhisay duqeymaha ay ku hayso bariga magaalada Rafax ee bariga falastiin, waxayna ku daadisay waraaqo ay dadka deegaanka kaga codsanayso in ay isaga baxaan qaar ka mid ah deegaannada Rafax

Isniintii, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ogolaaday in dib loo furo isgoyska Kerem Abu Salem ee gelitaanka gargaarka bini’aadinimo, maalin kadib markii la xiray kadib markii ay Xamaas ay gantaalo ku weerartay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka codsaday, mar uu telefoonka kula xiriiray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, in Israa’iil ay dib u furto marinka Kerem Shalom ee gargaarku uu kasoo galo Qasa, taasoo ah dariiqa ugu muhiimsan ee gargaarka bini’aadantinimo lagu galo Marinka, iyadoo uu Netanyahu uu ogolaaday.

Biden ayaa sidoo kale u sheegay Netanyahu in xabbad joojin lala gaaro Xamaas ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo nolosha “la haystayaasha Israa’iil” ee Qasa.

Washington ma ka joojin kartaa Israa’iil inay duulaan ku qaado Rafax?

Xamaas

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Saameynta ka dhalan karta duqeymaha Rafax

Washington ayaa xaqiijisay in aysan taageersanayn duullaanka dhulka ee Rafax iyada oo aan la helin qorshe isku dhafan oo lagu sugayo amniga dadka rayidka ah ee gabaad ka dhiganaya magaalada.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay degaano ku yaalla bariga magaalada Rafax, oo ku dhow xaafado la siiyay amarrada daadgureynta magaalooyinka Al-Mawasi iyo Khan Yuunis, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay TV-ga Al-Aqsa.

Dhanka kale, Masar ayaa uga digtay Israa’iil khatarta suurtagalka ah ee hawlgal millatari oo ay Israa’iil ka samaynayso magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Qasa, iyadoo tallaabadan sii kordhaysa ay keenayso khataro bini’aadantinimo oo ba’an oo ku iman karta in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool halkaas.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayey ugu baaqday Israa’iil inay isxakamayso oo ay ka fogaato xiisad kale oo ka dhacda wakhtigan aadka u xasaasiga ah ee lagu jiro wada xaajoodka xabad joojinta, isla markaana ay iska ilaaliso dhiigda shacabka reer Falastiin ee la kulmay dhibaato bini’aadantinimo oo aan hore loo arag iyo masiibo tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Qasa.