Maxaynu ka Ognahay
Taliyaha Ciidamada Kenya ee Diyaaradu la Dhacday?

Taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida ee Kenya Gen.Francis Omondi Ogolla, ayaa ku dhintay diyaarad millatari oo ay ku qudhbaxeen 10 sarkaal oo sarsare oo Kenyaan ah, kadib markii ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen maanta.

Siday tabisay warbaahintu madaxweyne William Ruto, ayaa guddoomiyay shir degdega oo uu ugu qabtay xafiiskiisa Golaha amniga qaranka Kenya.

General Francis Omondi Ogolla iyo saraakiisha wehelisay ayaa diyaaradii siday ku dhacday gobolka Elgeyo Marakwet, oo 400 km dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Nairobi, sida uu Wakaaladda AFP u xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan Boolisku.

Wuxuu jananka wafaaday iyo saraakiisha la socotay ay deegaanka diyaaradu ku dhacday ugu socdeen hawlo ammaanka la xidhiidha, iyadoo ciidamo ka tirsan millatariga la geeyay halkaas.

Gen. Ogolla, oo 61jir ah, ayaa xilka taliyaha guud ee ciidamada millatriga loo magacaabay bishii April ee kal hore, wuxuuna muddo ahaa Taliye kuxigeen.

Madaxweyne Ruto ayaa bishii May ee la soo dhaafay u sheegay suxufiyiinta in Gen. Ogolla uu ka mid ahaa dad uu ku tilmaamay inay iskudayeen inay carqaladeeyaan doorashadii 2022kii ay sida adag ugu tartameen Raila Odinga.

“Markaan eegay CV-giisa waa qofka ugu fiican inuu noqdo janan,” ayuu yidhi Madaxweyne Ruto oo carabka ku dhuftay in go’aankii uu janankaas ku magacaabay ay naqdiyeen dad badani.

Waxa gen. Ogolla loo tabobaray duuliye dagaal, wuxuuna ku biiray millatariga Kenya sannadkii 1984kii.

Wuxuu soo noqday taliyaha ciidammada cirka Kenya 2018kii oo uu hayey muddo saddex sanno ah.

Qore: Cumar Maxamed Faarax