Waxa shalay xabsiga Hargeysa laga sii daayay ๐ƒ๐š๐ก๐ข๐ซ ๐๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ ๐€๐›๐๐š๐ฅ๐ž,oo ahaa maxbuus muddo 28 sano ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa, kaas oo noqday mid ka mid ah maxaabiista ugu muddada dheer ee dalka u xidhan xuquuqda madaniga ah.

Maxbuuskan ayaa ka mid noqday maxaabiistii ugu muddada dheerayd ee la sii daayo muddadii uu xilka hayay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐˜๐จ๐จ๐ง๐ข๐ฌ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐จ๐จ๐ง๐ข๐ฌ sii Daynta maxabiista oo ayaa ka dhalatay kormeerkii wasiirku ku sameeyay xabsiyada dalka

Muddada uu Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdu joogay wasaaradda, waxa la sii daayay maxaabiis badan oo muddo dheer ugu xidhnaa arrimo la xidhiidha xuquuqda madaniga ah.

Tallaabooyinkani waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda maxaabiista, kuwaas oo Wasaaradda Caddaaladdu mudnaan gaar ah siinayso, iyadoo ay ka goโ€™an tahay dhowrista xuquuqdooda iyo daryeelka xaaladahooda.

MMTV