Maxkamad Millatari oo Rumaan aan Muddaysnayn Weriye Ilig
Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Telefishanka MM TV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda ciidamada Qaranka.
Sidaasna waxa shaaciyay Telefishanka MM TV ee uu guddoomiyaha u yahay, waxana ay tilmaameen in maxkamaddu u soo jartay xabsi ku hayn aan muddaysnayn.
Maxamed Cabdi Ilig ayaa muddo sideed maalmood ah ku xidhan Hargeysa, iyadoo lagu xidhay dood toos ahayd oo ay qabteen oo lagaga hadlayey isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.