Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Laashay Boqolkiiba 20ka ee ku jiray Xeerarka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)-Maxkamadda Sare ee Dastuurka JSL ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad Dastuuri ah oo ay u soo gudbiyeen 03/03/2024-ka Urur siyaasadeedyada kala ah Horseed, Hilaac, SPP, Ogaal, Rajo iyo Mideeye taasi oo nuxurkeedu salka ku hayay fasiraada qodobada 26 aad, 27 aad faqrada (4aad iyo 5aad), 51 aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2024 iyo Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha, xeer Lr 91/2023 kaasi oo ay Maxkamadda kaga codsanayeen in uu ka hor imanayo Dastuurka iyo inkale.

Go’aankii oo dhamaystiranna waa sidan hoos ku xusan

Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

.