Maydka Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa maanta la keenay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.


Marxuumka oo diyaarad lagu keenay ayaa waxa madaarka Cigaal international airport- ku sugaayay xukuumadda, Musharaxa madaxweyne
ee xisbiga Waddani iyo masuuliyiinta xisbiga Waddani qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo dadweyne aad u fara badan oo reer Somaliland ah oo ay ku jiraan asxaabtii marxuumka.

Marxuumka ayaa lagu samayn doonaa baadhitaan dheeraad ah iyada oo la baadhi doono qaabkii ay dawlada Xasan Sheekh u dishay iyada oo ay jidhka marxuumka ka muuqdaan nabaro badan oo loo gaystay markii la dilaayay.