Michael Rubin oo Sheegay in la gaadhay Wakhtigii Somaliland Sugaysay
Hargeysa(Qaran news)-Diblomaasiga Michael Rubin oo ah Agaasimaha Falanqaynta Siyaasadda ee Madasha Bariga Dhexe iyo xubin sare oo ka tirsan Machadka Ganacsiga Mareykanka, ayaa warbixin dheer oo uu ku daabacay bartiisa X oo hore loo odhan jiray Twitter, waxa uu si qoto dheer ugaga hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo dunida xusuusiyey, gaar ahaan dalkiisa Maraykanka in la gaadhay waqtigii mucjisada istaraatiga ah ee Geeska Afrika uu heli lahaa aqoonsi caalami ah.
“Hadda waa waqtigii Somaliland muddada badan sugaysay. Aqoonsiga qarankan iskii isku dhisay waa xal qumman oo xarrago leh. 1960-kii, Maraykanku wuu aqoonsaday.
Midowgii xigay ee Soomaaliya wuu fashilmay, laakiin waxay la soo noqotay xorriyadeeda ka hor intii aanay Soomaaliya u jiidin fashil dawladeed 1991kii.”