Mid ka mid ah Aqoon yahannada ugu Caansan Itoobiya oo ka Hadlay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya
Hargeysa(Qaran news)-Professor Professor Brook Hailu oo wareysi gaar ah siiyey Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, ayaa sheegay in is-afgaradka ay labada dhinac kala saxeexdeen uu yahay horumar taariikhi ah.
“Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland waa mid wax beddelaya dhammaan waddamada Geeska Afrika.”
“Waxa cajiibka ah waxa weeye in heshiisku ku dhisan yahay oggolaansho iyo niyad-wanaag ka yimi dawladda Somaliland. Si fiican ayey uga hadleen, wayna isla falanqeeyeen, waxaanay go’aansadeen in badda Itoobiya la siiyo.”
“Waxaan ugu yeedhi lahaa (heshiiska) mid wax ka beddelaya horumarka Itoobiya, Somaliland iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan.”
Mar Professor Brook Hailu wax laga weydiiyey sababta dalalka qaar ay uga soo horjeedaan heshiiska Is-afgaradk Itoobiya iyo Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Waxaan filayaa in taasi tahay aragti gaaban. Xaqiiqdu waxay tahay Itoobiya waxay u baahan tahay dhawr kilo mitir oo badda ah, taasna xoog kuma aanay helin. Itoobiya waxay leedahay cudud ciidan, muruq iyo maskax, laakiin kuma riixdo waddamada kale Kumannaan sanno ayeay Itoobiya ka mid ahayd dalalka ugu nabdoon qaaradda Afrika.”
Professor Brook waxa uu rajo ka muujiyey in waddamo kale ku dayan doonaan waddada taariikhiga ah ee ay martay Somaliland, kaas oo lagu soo gabagabeeyey heshiis ku salaysan faa’iido labada dhinac ah.