Aniga waxaan aad u taageersanahay gooni isu taagga Somaliland. Walaalaheen reer Somaliland 1960kii ayey shuruud la’aan inoogu yimaadeen iyagoo raba Soomaali mid ah oo dunida magac ku leh. Xornimadeenna raggii saxeexay 3 ka mid ah wexey ahaayeen reer Woqooyi. Dagaalkii 1977dii sidii ay u taageeraan ciidamadii Soomaalida waa ognahay. Halgankii keligii taliskii Siyaad Barre xukunka lagaga tuuray hormuud ayaa ay ka ahaayeen. Xasuuq aan cidna loo geysan baa walaaleheen ku dhacay.
Soomaaliya markii 1991dii dawladda laga aasaasay lagama qayb gelin reer Somaliland taas oo siyaadisay caradii ay ka qaadeen sadbursiga iyo gabbood fallada. In maanta Somaliland reer lagu sheego ama la aflagaadeeyo waa qalad. Somaliland horumarka ka jiraa Soomaaliya ka ma jiro. Waa dad isku tashtay in la xaqiro oo maanta dagaal qabyaaladaysan lagu qaadaa waa qalad. Dagaalkaa waa ognahay cidda dabada ka rijxayso. Ninka Somaliland rabo in aw kala gooyo ee reer ahaan uga goosanaya maxay tahay midnimada Soomaaliyeed ee uu ka sheekeynayaa? Ma nin maamulkii uu ka tirsanaa ka fiigay aa midnimo wax ka tari karo? Walaalayaal caqliga in aw shaqeeyaa loo baahanyahay. Ninka maanta aan maamulkiisa cashuur laga qaadin oo deyn cafinta hor istaagsan oo rabo in uu cashuurta Muqdisho cuno yuu san Soomaalinimo iyo midnimo idin ku harowsan. Walaaleheen Somaliland dulmi badan baa laga galay ee yaan dulmi kale loola tegin. Soomaalinimo waxa eey tahay waa la yaqaan cidina cid ma siiso cidna ka ma saari karto.
Mahad Salaad
Political Analyst
True Somali Man
@MeygaagH