Ceerigaabo.(Qaran news)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Muj. Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo intii uu xilka hayay waxa uu booqday badi dalka oo dhan isaga oo is dul taagay gobal kasta oo dalka ka mid ah.

Waxana ugu xiiso badnaa intii aanu tabinaynay wararka xiligiisii markii uu booqasho lagu farxo oo aan madaxweyne Somaliland soo maraa ama ka hada jooga aanu ku tagin uu ku tagay magaalada Laasqoray ee bariga gobolka Sanaag isaga oo maamulkii xiligaa kajiray sii xoojiyay warkaasi oo aanu xiligàsi baahinay hoos ka akhriso

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED SIILAANYO OO BOOQASHO BALAADHAN KU TAGAY MAGAALADA LAASQORAY OO SI CAJIIB AH LOOGU SOO DHAWEEYAY.

Laasqoray,(Qaran news)-16 March 2014-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Saaka Subaxii Hore Gaadhay Magaalo Xeebeeda Laas-Qoray,Kadib Markii Uu Ka Ambo Baxay Degmada Maydh Oo Ay Xalay U Hoydeen.
Shacabka Ku Dhaqan Magalada Laasqoray Ayaa Si Balaadhan U Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Iyo Weftigiisa Iyagoo U Muujiyay Sida Ay Ugu Faraxsan Yihiin Inuu Socdaal Ku Yimaado Magaalada Laasqoray.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Wuxuna Halkaasi Kula Hadlay Dadweynaha Ku Dhaqan Magaaladaasi Waxaanu Sheegay In Xukuumadiisa Ay Ka Go’an Tahay Sidii Ay Deegaamada Sanaag Bari U Gaadhsiin Lahayd Horumar La Mid Ah Ka Gobolada Galbeedka Isagoo Bulshadana Ka Codsaday Inay Garab Istaagaan Dawladooda Kana Shaqeeyaan Horumarka Deegaamadooda ,Madaxweynuhu Waxa Socdaal Ku Tagay Dekadda Laasqoray .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Waxa Uu Dhagax Dhigay Mashaariic Ay Xukuumada Somaliland Ka Hirgalinayso Laasqoray.
Booqashada Madaxweynaha Somaliland Uu Ku Tegay Magaalada Laasqoray Ayaa Qayb Ka Ah Kormeerka Uu Ku Marayo Gobolada Dalka.
Socdaalka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Weftiga Ayaa Guul Weyn U Xukuumadda Somaliland Oo Si Nabad Ah Ku Tagtay Laasqoray Oo Ku Taala Xeebaha Bari Ee Somaliland.
Waa Madaxweynihii Ugu Horeeyay Oo Somaliland Ka Socda Socdaal-Na Ku Taga Magalada Laasqoray Ee Somaliland.

La soco warar kale oo mihiim ahaa oo ku tusaaya xaalada uu xiligaa dalku dhaqaale iyo siyaasad ahaanba