1. Marxuum Khadar Xabeeb: Alle ha u naxariisto.
2. Qaraabada: Samir iyo Iimaan Alle haka siiyo
3. Xukuumaddu: sida ugu dhakhsaha badan sharciga ha u mariso gacan-ku-dhiiglaha
4. Inteenna kale: Nabadda aynu ilaalinno. Wadajirka aynu ku dedaallo. Aynu iska qabanno waxmagaratada doonayso in ay qas ka abuuraan degaanadeenna si ay fushadaan dano gaar ah.
Waxa innaga dhaxeeya: nabadda, kala-danbaynta, hantida, iyo adeegyada oo aan midna cid gaar ahi lahayn.
5. Siyaasiyiintana: waxa aan leeyahay “ Arrintani tii la sii afuufayay maaha”. Raganimadu waxay ku jirtaa daminta xasaradaha, xal-u-helidda dhibaatooyinka iyo yagleelka deganaanshaha iyo wadajirka umadda.
Belaayo intan ka badan. Yaan fursad la siin cadawga horumarka iyo nabadda
Cumar Cali Cabdilaahi , Wasiir hore .