
Liverpool,(Qaran news)-Xildhibaanad Kim Johnson oo ka tirsan aqalka golaha Barlamaanka ee UK- oonlaga soo doorto magaalada Liverpool ayaa daboolka ka qaaday in dabaal dega 18ka May ee maalinta Somaliland ay golaha deegaanka ee Liverpool ay midbada calanka Somaliland maanta lagu shidi doono dhismayaasha golaha deegaanka ee Liverpool.
Qoraal ay xildhibaanad Kim Johnson ay soo dhigtay barta ay ku leedahay X waxa uu u qornaa sidani.
Xuska 18-ka May
Waxaan u rajaynayaa maalinta xorriyadda qof kasta oo u dabaaldegaysa sannad-guurada 33-aad ee gooni-isu-taagga Somaliland.
Gelinka dambe ee maanta, waxa dhismooyinka golaha deegaanka Liverpool lagu shidi doonaa midabada calanka Somaliland, iyadoo lagu ixtiraamayo bulshada reer Somaliland ee magaaladeena soo jireenka ah
I’m wishing a very happy Independence Day to everyone celebrating the 33rd anniversary of Somaliland independence.
18 May
Later today, Liverpool City Council buildings will be lit up in the colours of the Somaliland flag in respect for our city’s longstanding Somaliland community.






