Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka hadlaya shirka Kampala ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ayaa si cad u sheegay ineysan wax dhaqaalo ah u hayn ciidanka midowga Afrika ee ATMIS.

Dowladda Somaliya ayaa waqti iyo xoogba ku bixisay sidii mushaar loogu heli lahaa ciidanka nabad ilaalinta u jooga Somaliya, balse Mareykanka oo ah qaadhaan-bixiya ugu badan ayaa si cad u diiday inuu wax dhaqaale ah bixiyo.