Gabay Mahad iyo Salaad qudha muxuu kaaga heli waayey?

Gabay: (Miisaanka Nolosha) Gabaygan waxa sameeyey anigoo ah Maxamuud Cabdilahi Rooble… Salaadii Subax ayaa taagnayd Masaajidka hortiisa ayaan kula kulmay Nin aan is waji garanayney.Salaan ka dib ayaan ku idhi Salaadii ayaa la galayaa… isagoo mashquul ah ayuu igu yidhi ” Meel ayaan ku cararayee gaadhiga ayaan ku dhex tukan doonaa”!!
“Haye Salaama Calaykum” ayaan idhi. Inyar markaan kala tagnay ayaan eegay geed weyn oo Masaajidka ku horyaalay oo raxan shimniro ahi ka dul heesayaan Eebahooodna u mahad celinayaan. Waxaan is weydiiyey sababta shimbiruhu u heesayaan -waxaanan ogaaday inay ku faraxsan yihiin waaga soo gudoodan iyo maalinta cusub ee Ilaahay ku siyaadiyey noloshooda.

Markaan Salaadii ka baxay ayaan dib ugu soo noqday geedkii shimbiruhu ka dul mashxaradayeen. Wali sidii ayey u heesayaan markaa waxaan is garab dhigay ninkii ordayey ee mashquulka noloshiisu ahayd ee xataa salaadii haleeli waayey iyo shimbiraha ilaa wakhtigii aan quud raadsan ee Ilaahooda u mashxaradaya una mahad celinaya …

Wuxuu yidhi:

Inkastuu rag wada miigani, miimka ka hingaadsho
Hadaanu gabaygu miisaan lahayn, malaha iidaane
Is maqiiq midhkii kula galay, maqalku diidaane

Madmadow markay dhaafto ee,marinku soo gaabto
Munkar iyo hadii laga baqo, meehaliyo dheesha
Muran iyo is-moodsiina aan,lagu mashquulaynin
Milgaheeda suugaan galbeed, baw macaan badane

Hadala waa murti amase waa,Midaan haboonayne
Mansabkiisu waa mudan yahayoo meel saraan dhigaye

Markuu mayeyga dayreed curtuu, ciida wada maydho
Manka soo carfaayiyo miskiga,moodka wada yaala
Xareed Miisan meeshaad daydoo, moos kasoo jabayo
Hadii Geed madheedhkii ka baxay, midigtu laacayso
Nin walbaa macaankiisa saw muudso odhan maayo ?

Ceelkaan malkada loogu dhicin, maaxan waa abide
Maslaxaad ayaan uga socdaa ,waa macduun kaniye
Aniguna hamsada maalintaan ,gabay la maagaayo
Miyi iyo magaalaba dadkii, waw mulaaxsamaye
Mufti iyo sidii culimo saw, loo martiyi maayo?

Muxubana halkaad gaadho waad, mahadin doontaaye
Bal miliilic oo dhuux murtida, doqoni waa mooge

Mohashada aduun ee dadkii, meelkastaba geysay
Iyo mawd sugaayaa ilayn, waaba kala maane

Macno maleh aduunyadu naftaa, lagu mashquulaaye
Mujuq iyo adoo qaawanoo, mudh iyo diirkaasa
Mawlaha kusoo magan gashee, magacna kuu yeelay
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey?

Miisaanka noloshaa jirtuu, kuu maldahayaaye
Inta muruq jidhkaagiyo lafaha, midiba meel hayso
Moxigiyo mijaha hoose iyo,muuqa idilkiisa
Mixnad weeye maankiyo caqliga, kaa maroorsame e
Adoon madax adaygayn hadaad, magan allee dhawrto
Mar’uun saw qalbigu Eebahaa,uma muraaqoodo ?

Miridhkii aad joogtaba xubnaha, haga masayrkaaga
Moqorada intey nool yihiin, sida matoor xiima
Maashaa Allee xididadaa, dhiigu mulacyeeyo
mulkigaaga oo idil dadyahow, muhindiskii yeeshay
Mahad iyo salaad qudha muxuu kaaga heli waayey ?

Si’aan mirif xanuun kuu helaa, marino kaa raacin
Ama dhiiga meermeerayaa,meel xun ugu daadan
Maqaarkaaga sare oogaduu, kugu manaystaaye
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ?

Inta maal aduunyiyo hadii, dahab lasoo miiso
Miyirkaaga oo qudha ayaan, lagu mataaleyne
Mucjisada jidhkaagoo idili, waa mihniyo yaabe

Mawlaha intaa wada khalqee, waliba maareeyi
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ?

Malaa’iigta Eebiyo nafluhu, waw musbaaxsadaye
Mid yar iyo mid weyn mawlahay, mayna caasiyine
Aadmigaa midii laga rabay, moran ka joogaaye
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey?

Muunida salaadiyo ilaa, miiqa dhigo waagu
Shimbiruhu macbuudkood mashxarad, wey u mariyaane
Mana oga halkay manfac iyo,midho u doontaane
Nafta lama masuugee adoon, maalin qudha waayin
Mar’uun saw qalbigu Eebahaa, uma muraaqoodo?

Milada iyo diinta hadaad, Maad ka dhiganaysid
Ma ogtahay fircoonbaa hortaa, eeday magacaase
Isaguba intuu Muuse waday,wuu ka maagsadaye
Manhajkii Ilaah soo direy wuuska , maanacaye

Mushmushaaxsi noloshaa yar iyo, marin habowgeeda
Aduun wa marad jeceshay ood, muudso leedahaye
Iyo maray macaan iyo qadhaadh, midina roonayne !!
Marna maro yarbaa lagu ridaa, maydka aad tahaye !!
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waaye ?

Maqribkii salaad loo kacoo, mu’adin eedaamay
Waa maraad macaash raadisood, malo awaashaaye
Ka mabsuudi mayside ilayn, waa mur iyo leefe

Muslinimada aan haysaniyo, diintu waa magane
Shanta milay nin weysada gabaa, malaha iimaane
Kol haduu mugaaguba yahay, noloshan meeraysa
Inaad muumino sheegataa, wayska meel madhane
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey

Masalada dadkani moogyahaan, kuu dul marayaaaye
Hadaan Milic ilays diiran lihi, madax salaaxaynin
Dhirtu maba magoosheen midhana,lagama goosteene

Markuu waagu soo muuqdo ee uu, midab guduud yeesho
Meegaaris goortuu wakhtigu, kala maleegmaayo
Mugdigii habeenimo ayuu, kaa malmalayaaye
Midigtiisa saw Eebahay, laguma maashoodo
MAHAD IYO SALAAD QUDHA MUXUU KAAGA HELI WAAYEY?

Maxamuud Cabdilahi Rooble
email: roobleamin@gmail.com
Seattle USA