
Milateriga Israeli ayaa bilaabay “ololo weerar” oo ka dhan ah Hezbollah, taas oo u badan inay socon doonto dhowr maalmood, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Israa’iil, Eyal Zamir.
“Waxaan bilownay olole weerar oo ka dhan ah Hezbollah. Ma aha oo kaliya inaan difaac ku jirno, hadda waxaan u gudubnay weerar,” ayuu yiri.
“Waa inaan isu diyaarinaa dhowr maalmood oo dagaal ah, badan. Waxaan u baahanahay diyaar-garow difaac oo xooggan iyo diyaar-garow weerar oo joogto ah, iyadoo lagu socdo mowjado.”
Bbcsomali





