Mishiinadii geeridu maanta waxa ay ka daarnaayeen Laascaanood. Tobanaan iyo tobanaan dhinacyadii dagaalamay ah iyo shicib tiro badan baa dhintay. Cisbitaalkii magaalada oo dhaawacii la tacaalaaya xataa madfac baa ku soo dhacay. Caawa war uu soo saaray Muuse Biixi oo yidhi wasiirro ayaan la shiray na, qodobkiisa todobaad waxa la gu sheegay in gacan adag la gu qabto wax ‘argagixiso’ la gu sheegay. Dhinaca kale ee aad is haysaan marka aad indhaha ka lalinayso, ee aanad samaan u jeedin, horta marka koowaad magac adigu aad u doortay oo aan jirin baad u la baxdaa, dabeeto halkaas baad jidka ambadnimada cagta ka saartaa. Siyaad Barre ba waagii dadkii ka gadooday macangagnimadiisa waxa uu u gu yeedhi jiray afar injir leh oo ‘qudhmis’ ah, ilaa uu kabo la’aan ku cararay aakhirkii. Waar qudhmis ma aha ee waa dadkii wax ku la lahaa oo ku diidan ee la hadal ayaa la ga kari waayay. Laascaanood dadka ku shiraaya, dadka degan, kuwa dagaalamaaya iwm, midkoodna argagixiso ma aha ee waa Dhulbahante gadoodsan. In badan baa la gacan-bidixeeyay, in badan baa loo garaabi waayay, in badan baa madaxdooda siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ba bilaa micne la ga soo qaaday, in badan baa heshiisyo la la galay lagaga baxay iwm, imika na kuwii gaboodfalkaas badan soo sameeyay, oo aan xishoonayn, ayaa dadkaas ku leh waa argagixiso. Ood lagama gooyaan, maxaa ehelu naar jooga!
Waxa qoray:-