Garowe (Qaran news)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa qaatay go’aan xasaasi ah, isagoo cadeeyey inuu ka laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa.
Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ku dhawaaqay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in go’aankaan uu qaatay kadib markii dadka reer Puntland ay la qaada waayeen go’aankiisii ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu soo saaray hanaan doorasho oo kii mucaaradku uu rabay ah, isla markaana uu u gudbiyey baarlamaanka.
Sidoo kale Deni wuxuu sheegay inuu soo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey.