Mucaaradka Jabuuti oo kulan ay ku qabsan lahaayeen Guri Xukumada Geelle ka hor istaagtay

Bisha February ee sanadkan, ayaa lagu wadaa in doorashada baarlamaanka ay ka dhacdo dalka Jabuuti.

Xisbi kamid ah kuwa mucaaradka oo lagu magacaabo MRD, ayaa waxa uu sheegay in Jimcihii laga horjoogsaday kulan ay ku qabsanayeen guri ku yaalla xaafadda Balbala ee caasimadda Jabuuti.

Mucaaradka Jabuuti ayaa intooda badan qaadacay doorashada baarlamaanka, iyo tii ka horreysay ee 2021-kii.

Doorashadani, ayaa waxaa ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo in muddo ah haya xilka madaxweynenimada dalka Jabuuti.