Mudaharaad looga soo horjeedo Israel oo Telaviv ka dhacaya

Mudaharadka Telaviv

Dad ka badan 100 kun oo qof ay ka qayb galeen ayaa la filayaa iney ka qayb galaan mudaharaad ka dhacaya waddooyinka magaalada Tel-Aviv kaasoo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ay ku dhimeyso awoodda Maxkamadda Sare ee Israa’iil.

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Raysal wasaarihi hore Yair Lapid iyo siyaasiyiin kale ayaa la filayaa iney mudaharaadkaasi ka qayb qaataan.

Dadka ka soo horjeeda qorshaha dowladda ay ku dhameyso awoodda maxkamadda sare waxay ku tilmaameen iney tahay mid wiiqeyso dimuqraadiyadda Israa’iil.

Booliska Israa’iil ayaa heegan la geliyey si ay uga hortagaan mudaharaadyada dowladda looga soo horjeedo oo la filayo iney ka dhacaan waddooyinka magaalada Telaviv si ay isugu diyaariyaan.

Taageerayaasha dowladda ay siyaasaddeedu midigta tahay oo taageeraya isbaddalka la qorsheynayo in lagu sameeyo awoodda garsoorka ayaa iyaguna la filayaa iisu soo bax ay dowladda ku taageerayaan iney dhigaan.