Mudaharaadyo lagaga soo Horjeedo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland oo ka Dhacay Boorame iyo Lughaya
Hargeysa(Qaran news)- Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka dhacay magaalooyinka Boorame iyo Lughaya ee gobolka Awdal.
Dadka bannaan-baxayey oo dhalinyaro ah ayaa ku dhawaaqaya inay ka soo horjeedaan in Itoobiya lagaga kireeyo badda Lughaya waxana ay siteenvqaarkoid hub fudud
“Baddayada ma imian karaan Itoobiyaan, iyo ma rabno in baddayada Xabashiyi timaado” ayey ku dhawaaqayeen dibadbaxyadan dadka ka qaybgalay.
Sidoo kale, waxa kacsan magaalooyinka kale ee gobolka Awdal kuwaasi oo ka soo horjeeda heshiiska 20 km oo bad kiro ah laga siiyay Itoobiya.