Taariikhdu iyadaa isqorta isna soo celcelisa(History repeats it self) waa shay aadamuhu ku xasuusto wixii hore u soo maray,waa shay cadeeyo wixii dhacay wanaag iyo xumaanba,waa shay cadeeya wixii beri hore dhacay ee xumaana sidii aadamahu u maareeyey,waa shay cadeeya wixii hore u dhacay ee wanaaga cidii ku suntanayd,waa shay cadeeya horumar fiican oo la gaaray cidii sababta u ahayd.

Hadaan is yara dultaago ujeedada maqaalkani oo ku saabsan halyeynimada Gudoomiye Xirsi waxaan soo qaadan doonaa dhawr dhacdo oo taariikhdu qortay:-

1. Gudoomiye Xirsi wuxuu qayb libaaxle ka soo qaatay dib u xoreyntii dalka Jamhuuriyada Somaliland isagoo dhawac xumi ka soo gaaray dagaalkii adkaa ee loo yaqaano dagaalkii( Gubad Xariir ) dagaalkaasi oo socday mudo ku dhaw toban Maalmood,dagaalkaasi oo ka dhacay inta u dhaxaysa afaafka hore ee balanbaal ilaa waraabeeye sokadiisa oo banka ah,hadana waraabeeyo sokadiisa banka soo qaad ilaa Qudhacsafar,hadana qudhacsafar ilaa xaydhducato dagaalkaasi oo ahaa dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee ciidamadii dawladii Siyaad Barre lala galay ayna hogaaminayeen xaq u dirirkii Mujaahidiintii Guutadii 8aad iyo Guutadii 1aad iyo shacabkii SNM.

Markii dalka la soo galay ee wadankii xoroobey Gudoomiye Xirsi wuxuu ka qayb qaatay nabadeyntii iyo dhismihii dalka.intaasi kadib Xirsi wuxuu waxbarasho u tegey dalka Hindia isagoo diyaariyey shahaadada jamacada heerka kowaad( Bechelor degree).
Gudoomiye Xirsi markii uu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu u wareegay dhanka ganacsiga oo uu mudo waday guula ka gaadhay.

Dhinaca Siyaasada:-

Gudoomiye Xirsi wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee wax ka aasaasay Xisbiga Kulmiye ee aasaaskiisa uu laha Mujaahidkii weynaa Madaxweyne Axmed Siilaayo, Xirsi wuxuu ka mid ahaa Golihii Dhexe isagoo xisbigu u soo xushay xubintii u meteli lahayd gudigii Komishanka Qaranka.

Markii Xisbiga Kulmiye ku guuleystey hogaaminta dalka wuxuu Xirsi ka mid ahaa xukuumadii markaasi la magacaabay isagoo jagooyinkan kala duwan ka soo qabtay:-

1. Chief of cabinet.

2.Wasiirka Madaxtooyada.

3.Agaasinka dhismaha wadada(Ina afmadoobe ila Ceerigaabo).

Gudoomiye Xirsi wuxuu Shahaadada xeerka labaad ee jaamacada ka qaatay( Master degree ) dalka UK.

La soco qaybta 2aad.

Yusuf-janale
Oslo Norway
contact.somalilandcitizen@gmail.com