Aduunyada wadan waliba wuxuu leeyahay halyeyo uu ku faano iyagoo ku qaderinaya halganka muwaadinkaasi ugu jiro in dadkiisa iyo dalkiisa horumar dhinac kasta ah gaadhsiiyo-Siyaasada-dhaqaalaha-horumarinta arrimaha bulshada-nabadgelyada iyo difaaca dalkiisa hooyo.

Ilaa markii jamuhuuriyada Somaliland goonida isu taagtay ee ay xornimadeedii 1960 luntay ay la soo noqotay Mudane Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ka mid ahaa muwaadiniintii isu taagay sidii ay wadankooda u dhisi lahaayeen isagoo ka qayb qaatay yagleelidii iyo nabadeyntii Somaliland ku soo caana maashay isagoo waqtigiisii inta badan ku soo bixiyey sidii dalkiisa iyo dadkiisu u qurux badnaan lahaayeen guul weyn ayuuna ka gaadhay.

Gudoomiye Xirsi waa nin afgaaban,cibaado badan,akhlaaq wanaagsan waa nin sikhi ah oo danyarta caawiya,waa nin somalilandnimadu ku wayntahay iyo difaaca dadkiisa iyo dalkiisa,waa muwaadin mustaqbal ku leh hogaaminta dalkiisa iyo dadkiisa.
Hadaba beryahan danbe waxaa social media ku soo batay dad wax ka sheegaya,dadkaasi oo u badan kuwo aan Xirsi waxba ka aqoon oo magaciisa oo keliya maqlay dadkaasi oo u badan kuwa aan weligood waxbarasho aadin balse qabyaalad,xasad,iyo xiqdi madaxmaray oo aan ilaahay ka cabsaneyn waxaanse kuwaasi u sheegaya inaanay Xirsi waxba u dhimeyn dacaayadaha rakhiiska ah ee ay faafinayaan.

waxaan ku soo gebagebeynayaa Maahmaah somaliyeed oo tiraahda( Ma gudboona geesiga cartama iyo gocorka caayaa).

Allah ayaa mahad leh.

Yusuf Janale
Oslo Norway.
contact.somalilandcitizen@gmail.com