Marinka Hormuz waa halbowlaha ganacsiga ee muhiimka ah kaas oo soo mara qiyaastii 20% saliidda dunida.

Marinka Hormuz oo ballaciisa meesha ugu dhuuban ay dhan tahay 40 Km gees-ka-gees, waa waddada qura ee dunida ku xirta shidaalka ka yimaada dalalka kulaala Gacanka Persia, dhiilladan la xiriirta xiritaankiisana waxaa durbadiiba laga dareemay suuqyada dunida oo walaac uu soo food saaray.

Haddaba ahmiyadda marinka Hormuuz ku fadhiyo, waxaa noo sharraxaya Axmed Maxamed Mooge oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa shidaalka dunida.

“Hormuuz wuxuu ka mid yahay shan marin oo baddu ka siriqsan tahay, kuwaas oo kala ah Hurmuz, Suez, Baab ul Mandab, Malaika iyo Panama canal. Marka shantaas marin la eegana Hormuz kan ugu saxmadda badan. Waxaana maalintii mara 17 bilyan oo barmiil oo shidaal ah. Shidaalkaas wuxuu ka kala yimaadaa dalalka kala ah Iran, Ciraaq, Kuweyd, Baxrayn, Qadar iyo qayb ahaan Sacuudi Careebiya iyo Imaraadka Carabta. Tusaale ahaan Sacuudiga oo maalintii dhoofiyta 10 milyan oo barmiil maalintii, 7 milyan oo ka mid ah wuxuu ka dhoofiya dhinaca Hormuuz. Waxaana la oran karaa Hormuz waa halbowlaha shidaalka dunida”.

Ilaa 3,000 ama wax ka badan markab ayaa sida caadiga ah ka shiraacda marinka bil kasta. Sannadkii 2025, qiyaastii 20 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa soo mara marinka maalintii.

Waa qoto dheer oo ku filan booyadaha saliidda cayriin ee ugu weyn adduunka, waxaana isticmaala shirkadaha shidaalka iyo gaaska waaweyn ee Bariga Dhexe – iyo macaamiishooda.

BBC Somali