Waxa filayaa kol hadii labadii sanadood ee muddo kordhintu ay gebi ahaanba meesha ka baxdo. Wixii kale ee sharciga waafaqsan in la isla ogolaan karo. Qabashada labada doorasho markaa waxa loo raacayaa roadmapka Komishanka Doorashada dabcan oo ay qaadhaan bixiyaasha laftooda ku soo qanciyeen, ka dibna ay u soo bandhigi doonaan saamilayda kale gaar ahaan sadexda xisbi. Wakhtiga qabashada labada doorasho waxa laga filayaa in uu ku sargonaado muddadii 9ka bilood ahayd ee komishanku hore u qabtay doorashada madaxtooyada. In ay bilo yar dib uga dhici karto lafteeda ayaa suurogal noqon karta. Balse waxa muhiim ah wixii qabyo sharci ah in komishanku ka codsado xeerdejinta gaar ahaan doorashada ururada/xisbiyada.
Sidaa marka ay tahay anigu waxan qabaa in la isla dhadhaw yahay xaaladda Somaliland waa mid ididiilo leh ee maaha mid laga dayrin karo hadii aan Madaxwayne Biixi war kale ka daba keenin oonu wax walba cirka ku laalin. Xisbiga WADDANI oo isagu sheegay in waxa ay diidan yihiin uu la xidhiidho dhinaca sharciyadda balse aanu ka ahayn baqdin xataa hadii sharcigu noqdo in doorashada ururada lafteeda la soo horaysiiyo sidaana sharciga la waafajiyo kol hadii muddadii sagaalka bilood ahayd aanay dhaafaynin Doorashada Madaxtooyadu. Horena labada xisbi ee mucaaridku waxay waafaqeen soo jeedintii ganacsatadii iskood isu xilqaamay ee labada doorasho in mar la wada qabto. Hadda waxa uun qabyo ah shrcigii Komishanku ku qaban lahaa Doorashada Ururada/xisbiyada oo muhiim ah si heshiis dhamaystiran ay gaadhi karaan dhamaan saamilaydu.
Siyaasi Cali Guray
May be an image of 1 person