MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO DHEXDHEXAADINAYA XUKUUMADDA SOMALILAND IYO GARAADADA DHULBAHANTE
Garaadada Dhulbahante ee tegay Muqdisho lana kulmay Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa rejo laga qabi karaa in uu ka dhalan karo xal KMG ah oo lagu joojinayo colaadda iyo dagaalka ka aloosan Laascaanood iyo in maamul gaar ah oo KMG ah uu yeesho Gobolka Sool.
Sida la sheegayo Muuse Biixi ayaa wuxu hore uga dalbaday Madaxwayne Xasan Sheekh in uu dhexdhexaadiyo isaga iyo Garaadada Dhulbahante.
Dhrxdhexaadinta oo ay Garaadada Sool ogolaadeen ayaa sabab u ah in garaadadaayaa afarta ah uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaacil ay Muqdisho ugu kicitimeen Muqdisho oo wadahadal kula yeesheen Madaxwayne Xasan Sheekh.
Waxa la saadaalin karaa in ugu dambaysta dhexdhexaadinta Xasan Sheekh uu ka dhalan karo Xal KMG ah inta aan wax wadahadal toos ahi dhexmarin labada dhinac oo mudnaanta koobaad la siinayo colaadda iyo dagaalka ka aloosan Laascaanood iyo guud ahaan Sool.
Mudnaanta labaad waxa noqon doona dhismaha maamul gaar ah uu yeesho Gobolka Sool. Hadii labadaa arin laga heshiiyo arinka mudnaanta sadexaad oo ah bilawga wadahadalada tooska ah ee dhinaca siyaasaddu waa arinka ugu adag ee xataa Dhulbahante dhexdiisa ay ku qaybsan yihiin tan iyo 1991kii. Marka ugu horaysa ee la bilaabi karaa waxa haboon in uu noqdo ka dib doorashada madaxtooyada Sl.
Hadaba marka hore bal aynu eegno qodobda muhiimka u ah joojinta dagaalka iyo Nabadgelyada Magaalada LAASCAANOOD gudaheeda si dadkii ka barokacay ay ugu soo noqon karaa.
Waxaynu og nahay xabadjoojinta ay labada dhinac mid waliba keeyahay shuruudiisa koobaad ka hor xabadjoojinta
Garaadadu waxay taagan yihiin “ marka hore ciidanka Somaliland ee dul fadhiya Laascaanood waa in la qaado Oog oo degaan Isaaq ah la geeyo”.
Dhinaca Xukuumadda Somaliland iyadana waxa ugu muhiimsan in gebi ahaanba marka hore ciidamada aan ka soo jeedin degaanka Sool ama aan Dhulbahante ahayn ay dhamaantood ka baxaan xadka Somaliland. Sidaa daraadeed talaabooyinka ugu muhiimsan xalka ay noqon karaa:
– in labada talaabo ee sare isku mar la qaado taasina ay bilaw u noqoto xabbadjoojin rasmi ah oo labada dhinac ay wadajir ugu dhawaaqaan.
– in laga bilaabo Guumays ilaa kontaroolka Laaska oo hadaba ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaybta 7aad ee Mahad Cambaashe oo dhamaantood ka soo jeeda Laascaanood ay sidooda uga masuul ahaadaan nabadgelyada jiidahaasi.
– in maleeshiyo beeleedyada Dhulbahante laga dhex saaro magaalada lana dejiyo goobo loo cayimay, Bari iyo Hawdka
– In nabadgelyada Laascaanood gudaheeda ciidan gaar ah loo xulo iyada oo la tixgelinayo tababarka iyo anshaxa. Arinkan laftiisa ayaan looga maarmi karin taliska qaynta 7aad oo ah ciidanka keliya ee ugu waayoaragsan, tababar rasmi ah leh, anshax ahaana ka sareeya makeeshiyo beeleedyada
– In dadwaynihii ka barokacay Laascaanood ay dib ugu soo noqdaan gueyahoodii isla markaana loo fududeeyo gargaarada iyo gurmadada loo fidibayo si nolosha laasku ugu soo noqon karto caasigeedii.
– Dhismaha Maamulka KMG ah ee Sool waa arin reer sool u taala iyaga oo aan kala sooc lahayn ee Dhulbahante uun ah
HalganWatch
Caligurey