Muj Cali Guray oo soo dhaweeyey go.aankii Afhayeenka Ciidanka Milateriga S/land ku dhawaaqey
” Caawa ayaa ugu horeysa oo Ciidanka Qaranka af aan garan karo ku hadlay. DIFAAC AAN QASDI LAHAYN MICNO MICNO LA’AAN BAA LA YIDHI (defense without aim is meaning less).
Allay lehe waxa ka dhigan difaaca uu muddada dheer Ciidanka Qaranku (CQ) Goojecadde iska hawaaray ee tiraba shan goor lagu soo weeraray.
Hadii xabbadjoojin iyo in ciidamada la kala durkiyo lagu heshiin waayay xukuumadduna diiday in CQ ay dib uga soo saarto Goojecade go’aanka maanta ay qaateen waa sax weliba marka aynu og nahay ciidamada ka soo gudbaya xadka Somaliya (Puntland) oo aan marna la aqbali karin in ay CQ kula dagaalamaan gudaha Somaliland.
Afhayeen u hadlay CQ ayaa cadeeyay in wixii maanta ka dambeeya ay iyagu la wareegi doonaan gacanta sare ee dagaalka oo dhinacoodu la wareegi doono weerarka difaacii Goojecadena ka bixi doonaan.
Sida afhayeenku hadalkiisa u dhigay weerarada CQ ay si gaar ah ugu wajahnaan doonaan ciidamada Puntland ee sida isdabajoog ah ugu soo qulqulayay Gobolka Sool ee Somaliland “
May be an image of 1 person