Murashax Cirro iyo Guddoomiye Xirsi oo Masaajidka 26ka June kula Tukaday Dadweynaha Hargeysa



Hargeysa(Qaran news)Murashaxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo weheliyaan Guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali Xasan iyo xubno ka mid ah Hoggaanka Xisbiga Ayaa Qaybo Ka Mida Shacabka Hargeysa kula Tukaday Salaadii Jimce masaajidka Ibraahim Dheere Ee Magaalada Hargeysa.
“Cabdiraxmaan Cirro 30 sano ayaan masajid wada Joognay oo kutubta wada marsanaynay waa Nin qiimo Leh oo dad isku uruurin leh alleh ha barakeeyee,” ayuu yidhi Sheekh Almis Sheekh Yaxye
Markii Salaada jimce laga baxay ayaa Shacabku halkaasi ku Tukanayey Murashaxa Ugu Yimaadaan Salaan.